Tababaraha kooxda Arsenal Mikel Arteta oo jawaab ka bixiyay qorshaha Kooxdiisa suuqa ee weeraryahan cusub

Tababaraha kooxda Arsenal Mikel Arteta ayaa soo jeediyay in kooxdiisu aysan samayn doonin wax saxiix ah marxaladaha dambe ee suuqa kala iibsiga bisha Janaayo.
Gunners ayaa si qurux badan uga soo kabsatay seddex guuldarro oo xiriir ah galabnimadii sabtida, iyagoo 5-0 kaga badiyay Crystal Palace garoonka Emirates Stadium iyagoo soo galay kaalinta seddexaad ee kala sarreynta Premier League.

Arsenal ayaa kaliya 2 dhibcood u jirta kooxda hogaanka u haysa horyaalka ee Liverpool laakiin waxa la sheegay in la’aanta weeraryahan sare ay keeni karto in ay ku guulaysato hanashada koobka.

Kooxda ka dhisan Waqooyiga London ayaa si aad ah loola xiriirinayaa xiddiga Brentford ee Ivan Toney, kaasoo dhaliyay ku soo laabashadiisa kubada cagta sabtidii kulankii Nottingham Forest ka dib muddo dheer oo uu maqnaa.

Bologna Joshua Zirkzee iyo kan Napoli Victor Osimhen ayaa sidoo kale ka mid ah weeraryahanada lala xiriirinayo inay u dhaqaaqaan Emirates Stadium.

HBN SPORTS DESK

La Xiriira

Live Now

English News

Facebook Feed