Tababaraha Chelsea Mauricio Pochettino oo doonaya inuu yareeyo Christopher Nkunku kaasoo ka soo kabsaday dhaawac dheer

Tababaraha kooxda  Chelsea Mauricio Pochettino ayaa ugu baaqay taageerayaasha Chelsea in Christopher Nkunku uu dhawaan ka soo muuqan doono kooxda kaddib dhaawac muddo dheer ah oo uu ku maqnaa.

Blues ayaa awooday in ay ku guulaysato tartanka loogu jiro xiddiga RB Leipzig kaas oo markii dambe wacdaro dhigay intii lagu jiray is diyaarinta xilli ciyaareedka ka hor inta uuna dhaawac jilibka ah ka soo gaarin kulankii ugu dambeeyay ee isku diyaarinta xilli ciyaareedkan bilaawgiisii.

Markii hore, waxaa la saadaalinayay in weeraryahanka badan uu safan doono kulankiisii ​​ugu horreeyay ee tartan rasmi ah wax yar ka dib fasaxa caalamiga ah ee November, laakiin weli ma uusan ciyaarin.

Nkunku ayaa loo doortay kooxda Premier League markii ugu horeysay usbuucii hore laakiin Pochettino ayaa doortay inuusan halis galin 26 jirkaan intii lagu jiray wareegii ugu dambeeyay ee Sheffield United.

Shir jaraa’id oo uu qabtay Isniintii, Pochettino wuxuu soo jeediyay in laacibkaan uu diyaar yahay balse wili aanan ka gali karin khatar, laakiin waxaa uu taam u yahay in uu ciyaaro kulamada soo aaddan, iyadoo kooxda Chelsea ay aad ugu baahan tahay in hesho weeraryahankaan oo lacag qaali ah uu fadhiyo kooxda.

HBN NEWS DESK

La Xiriira

Live Now

English News

Facebook Feed