Tababaraha Arsenal oo ka hadlay haddii David Raya oo ciyaari doono kulan Champion League maaddaama dhaliil loo jeediyay kulankii Chelsea

David Raya ayaa la soo sheegayaa  in uu booskiisa sii haysan doono kulanka ay  Arsenal la ciyaari doonto kooxda Sevilla tartanka champions League. 28-sano jirkaan ayaa Gunners kaga soo biiray Brentford suuqii xagaaga isagoo si toos ah ula xifaaltamay Aaron Ramsdale,  Mikel Arteta ayaana u doortay in booska 1aad ee kooxda uu ka ciyaaro.

Arteta ayaa si joogto ah u amaanay muhiimada ay leedahay in la helo laba goolhaye oo tayo sare leh oo la soo xusho, wuxuuna horay u sheegay in uu isbadal joogto ah samayn karo, maadaama laga yaabo in uu ciyaartoy ay u keento tartan adag oo wax qabad leh.

Si kastaba ha ahaatee, waxaa si weyn isha loogu hayaa booskaas, iyadoo Ramsdale uu xilli ciyaareedka ku bilowday dooqa koowaad, balse dhawaan ayuu Raya ka hoos maray kaalinta koowaad.

Goolhayaha reer Spain ayaa ku soo bilowday mid kasta oo ka mid ah shantii kulan ee ugu dambeeyay Premier League iyo labadii kulan ee champions League ilaa haatan, inkasta oo qaab ciyaareedkiisa qaar ka mid ah kulamadaas uu la kulmay dhaleeceyn dhanka taageerayaasha ah.

Maamulaha Arsenal ayaa ka hadlay Raya inuu maareeyo booskiisa ciyaareed, maaddaama uu tartan adag uu ka jiro booskaas shirkiisa jaraa’id ee ka hor kulanka.

“Taasi waa cadaadiska kooxaha waaweyn, halka ay tahay inaad ku guuleysato, waa inaad ku jirtaa sida ugu fiican, waxaadna jiro qof kugu xiga oo ku riixaya maalin kasta,” ayuu Arteta u sheegay suxufiyiinta.

HBN SPORTS DESK

La Xiriira

Live Now

English News

Facebook Feed