Soomaaliya oo martigelisay Wafdi heer Caalami ah oo Kubadda Cagta ah

Magaalada Muqdisho ayaa maanta si rasmi ah u martigelisay wafdi heer sare ah oo ka socda xiriirrada kubadda cagta adduunka iyo Afrika, kuwaas oo ay hoggaaminayaan madax ka tirsan FIFA iyo CAF, kana soo degay garoonka diyaaradaha Aadan Cadde.

Wafdigan oo ay casuumeen Xiriirka Kubadda Cagta Soomaaliyeed (SFF), waxaa qeyb ka ah halyeeyo caan ka ah kubadda cagta Qaaradda Afrika oo magac weyn ku leh caalamka, kuwaas oo kala ah Samuel Eto’o (Cameroon), Emmanuel Adebayor (Togo), iyo Jay-Jay Okocha (Nigeria).

Halyeeyadan ayaa lagu wadaa inay ciyaar saaxiibtinimo oo taariikhi ah ku dheelaan garoonka Muqdisho Stadium, iyadoo ay garoonka ku wada ciyaari doonaan halyeeyada qaranka Soomaaliya iyo ciyaartoy ajaanib ah oo ka tirsan kooxaha gudaha dalka.

Kulanka ayaa noqon doona mid si gaar ah loo xusuusan doono, maadaama uu yahay mid ka tarjumaya amniga iyo horumarka muuqda ee dalka Soomaaliya gaaray, sida uu sheegay Xiriirka Kubadda Cagta Soomaaliyeed.

Waxaa sidoo kale la sheegay in kulankan uu fariin nabadeed u gudbinayo caalamka, isagoo muujinaya in Soomaaliya diyaar u tahay martigelinta ciyaaraha heerka caalami.

Waxaa la filayaa in kulankani uu dhiirigelin doono dhalinyarada Soomaaliyeed iyo kobcinta isboortiga dalka, iyadoo sidoo kale uu xoojinayo xiriirka Soomaaliya ay la leedahay ururrada kubadda cagta ee caalamka.

HBN ONLINE TV

La Xiriira

Live Now

English News

Facebook Feed