Shirka Madasha Wadatashiga Qaran ee Muqdisho Maxaa ka cusub?

Shirka maanta lagu wado in uu ka furmo magaalada Muqdisho ayaa ah mid xasaasi ah oo ku soo beegmaya xilli xaaladda siyaasadeed iyo amni ee Soomaaliya ay aad u kacsan tahay. Shirkan oo uu guddoominayo Madaxweyne Xasan Sheekh, waxa uu yahay fursad lagu mideyn karo aragtida dowladda dhexe iyo maamul goboleedyada qaarkood si loo dardar-geliyo hawlaha muhiimka ah ee dalka ka socda, gaar ahaan amniga iyo doorashooyinka.

Qodobbada Diiradda Lagu Saarayo shirka ayaa kala ah: Amniga iyo Dagaalka Alshabaab, Qorshaha Doorashooyinka Dawladaha Hoose & ka Qaybgalka Maamul Goboleedyada iyo Mowqifyadooda.

  1. Mid ka mid ah ajandayaasha ugu weyn ee shirkan waa sidii loo xoojin lahaa dagaalka ka dhanka ah Al-Shabaab. Waxaa muuqata in dowladda federaalka ay doonayso in ay hesho taageero buuxda oo siyaasadeed iyo mid ciidanba si howlgallada ka socda Gobollada Dhexe iyo Koonfurta dalka loo hormariyo.
  2. Qabanqaabada doorashooyinka golayaasha deegaanka ee la qorsheeyay dhammaadka bisha Juun 2025 ayaa ah qodob kale oo muhiim ah. Shirka ayaa la filayaa in uu caddeeyo hannaan loo marayo doorashooyinkaasi si ay u noqdaan kuwo lagu kalsoonaan karo, islamarkaana loo helo wada-shaqeyn maamul goboleedyada iyo guddiyada doorashooyinka.
  3. Maqnaanshaha Puntland iyo Jubbaland waxay mar kale muujinaysaa kala qeybsanaanta siyaasadeed ee u dhaxeysa dowladda dhexe iyo qaar ka mid ah maamul goboleedyada. Tani waxay dhaawac ku tahay midnimada siyaasadeed ee dalka.

Dhanka kale, casuumaadda Maamulka SSC-Khaatumo waxay noqon kartaa tallaabo siyaasadeed oo muhiim ah, taasoo xambaarsan fariin ku saabsan aqoonsiga dowladda dhexe u muujineyso maamulkaas cusub ee ay dhawaan ku dhawaaqday madax-bannaanidiisa dowladda Soomaaliya.

Geesta kale, shirku wuxuu wajahayaa caqabado culus oo siyasaadeed, taasi oo ah mid maamul iyo siyaasiyiin, balse waxaa ka soo laabanaya su’aalo iyo waydiimo u baahan qaabka loo furfuri karo iyo sida loo xalin doono, waa haddii dhinacyadu ogaalaan in miiska wadahadalka isugu yimaadaan.

Ugu dambeyn, Shirkan wuxuu noqon karaa mid miro-dhal ah haddii ay kasoo baxaan go’aamo cad-cad oo wax looga qabanayo amniga iyo doorashooyinka. Si kastaba, maqnaanshaha Puntland iyo Jubbaland ayaa weli caqabad ku ah dadaallada lagu doonayo in lagu mideeyo aragtida siyaasadeed ee dalka. Waxaa sidoo kale xiiso gaar ah leh in la arko doorka ay SSC-Khaatumo ka qaadato shirka, maadaama ay markan si rasmi ah loogu casuumay.

Isha ku haay HBN ONLINE TV

 

La Xiriira

Live Now

English News

Facebook Feed