Sergi Roberto si hufan ka hadlay mustaqbalka kooxda Barcelona kadib markii uu taageero ka helay macalin Xavi

Sergi Roberto ayaa ku rajo weyn in uu ugu yaraan hal xilli ciyaareed oo kale ku qaadan doono kooxda Barcelona xilli uu xiddiga reer Spain ugu baaqay kooxda in ay u kordhiyaan.
31-sano jirkaan ayaa qandaraaska uu kula jiro kooxda Catalan wuxuu dhacayaa dhamaadka bisha June, inkastoo kooxda heysata horyaalka La Liga ay fursad u leedahay inay ku kordhiso heshiiska 12 bilood oo dheeri ah.

Horaantii bishaan, tababaraha Barcelona Xavi ayaa ugu baaqay kooxda inay cusbooneysiiyaan qandaraaska Roberto, isagoo ku tilmaamay “mid muhiim ah” oo ka mid ah qorshayaashiisa Camp Nou.

Roberto ayaa haatan muujiyay sida uu ugu faraxsan yahay kooxda Barcelona, ​​iyadoo ciyaaryahanka khadka dhexe uu ku rajo weyn yahay in la siin doono fursad uu ugu yaraan olole kale kula qaato kooxda.

HBN NEWS DESK

La Xiriira

Live Now

English News

Facebook Feed