Ronald Araujo ayaa doonaya inuu sii joogo Barcelona inkastoo Bayern Munich ay xiiseyneyso

Daafaca kooxda Barcelona Ronald Araujo ayaa lagu soo waramayaa inuu doonayo inuu sii joogo kooxda heysata horyaalka La Liga xilli ay xiiseynayaan Bayern Munich.
Bayern ayaa wali dooneysa  in ay keento difaacyo dheeri ah bisha Janaayo.

Marka laga soo tago Kim, seddexda dookh ee kale ee daafaca dhexe ee Bayern waxaa ka mid ah Matthijs de Ligt, Dayot Upamecano iyo Tarek Buchmann.

Iyadoo Bavarians ay raadinayaan inay xoojiyaan difaacooda dambe, xiddiga Barcelona Araujo ayaa ku soo baxay bartilmaameed macquul ah.

Si kastaba ha ahaatee, sida laga soo xigtay saxafiga Florian Plettenberg, Araujo ma doonayo inuu ka tago Barcelona inta lagu guda jiro suuqa kala iibsiga ee Janaayo.

HBN SPORTS DESK

La Xiriira

Live Now

English News

Facebook Feed