Romelu Lukaku ayaa u muuqda mid ku laabanaya England dhamaadka xilli ciyaareedkan iyada oo Roma ayna doonayn in ay si joogto ah ula wareegto xiddiga amaahda uga maqan kooxda chelsea sida ay sheegayaan wararku.
Kadib xagaagii qallafsanaa ee Lukaku lala xiriirinayay kooxaha Inter Milan iyo Juventus, Belgian-ka ayaa doortay amaah 12 bilood ah oo uu ku joogay Roma isaga oo aan haysan dookh joogto ah.
Inkastoo xiddiga heerka caalami ee dalka Belgium uu ku riyaaqayo xilli ciyaareed adag oo Serie A ah, isagoo dhaliyay 18 gool tartamada oo dhan, Roma ayaa u muuqata mid hoos uga dhaceysa dalabkeedii 37 milyan ginni si ay u hesho saxiixa joogtada ah ee Lukaku. .
Sida laga soo xigtay La Gazzetta dello Sport, waxaa jira walaac laga qabo qiimaha 30 jirkaan, taasoo u badan tahay inuu ku laabto Chelsea dhamaadka xilli ciyaareedkan.
HBN SPORTS DESK