Weeraryahanka Tottenham Hotspur Richarlison ayaa ku adkeystay inuusan ka tagi doonin kooxda xagaagan inkastoo lala xiriirinayo inuu u dhaqaaqayo Saudi Arabia.
Richarlison ayaa ku dhameystay ololaha 2022-23 isagoo ah gooldhaliyaha labaad ee Tottenham ka dib markii uu dhaliyay 11 gool 28 kulan oo Premier League ah.
In kasta oo uu bixiyay wax ku biirin waxtar leh, Richarlison had iyo jeer looma dammaanad qaadin boos bilow ah, iyadoo maamulaha Tottenham Ange Postecoglou uu inta badan u adeegsan jiray Son Heung-min oo ah weerarka dhexe.
Iyadoo Spurs ay dooneyso inay xagaagan lasoo saxiixato weeraryahan, waxaa jiray warar la isla dhexmarayay oo sheegaya in Richarlison la iibin karo si lacag loogu uruuriyo oo boos banaan looga helo kooxda.
Horaantii bishaan, warbixin ayaa sheegtay in kooxda heysata horyaalka Saudi Pro League ee Al-Hilal ay muujineyso xiisaha xiddiga heerka caalami ee dalka Brazil.
HBN SPORTS DESK