Real Madrid oo ku fikiraysa inay heshiis cusub ka saxiixato Carlo Ancelotti kaas oo la xiriirinayo Brazil

Real Madrid ayaa lagu soo waramayaa inay miisaamayso inay Carlo Ancelotti u soo bandhigto qandaraas cusub oo uu ku sii joogo Bernabeu.
Qandaraaska uu haatan kula jiro tababaraha kooxda ka dhisan caasimada ayaa dhacaya xagaaga soo aadan, waxaana si weyn loola xiriirinayaa shaqada maamulida Brazil.

Dhamaadkii sanadkii hore, Ancelotti ayaa hoos u dhigay hadaladii ku saabsanaa u dhaqaaqida Brazil, iyadoo Fernando Diniz uu weli si ku meel gaar ah u sii hayo qaranka South America.

Tababaraha reer Italy ayaa sidoo kale sheegay sanadkii hore in uu ka fariisan doono shaqada tababarenimo marka uu ka tago Real Madrid, laakiin wararka la isla dhexmarayo ee ku saabsan u dhaqaaqida Brazil ayaa sii socday bilihii ugu dambeeyay.

Sida laga soo xigtay Relevo, madaxweynaha Los Blancos Florentino Perez ayaa ka fikiraya inuu Ancelotti u soo bandhigo fursad uu ku sii joogo caasimadda Spain.

HBN SPORTS DESK

La Xiriira

Live Now

English News

Facebook Feed