Real Madrid oo go’aan adag ka qaadatay xiddiga ay dooneysay kooxda Bayern Munich ee Alphonso Davies

Real Madrid ayaa lagu soo waramayaa in ay qaadatay go’aan ka gaartay Alphonso Davies  in ay keenan caasimadda Madrid isla markaana ay haaatan u soo jeesteen in ay qandaraas siiyaan mid ka mid ah daafacyadeeda.

Los Blancos ayaa haatan ku jirta tartanka loogu jiro La Liga iyo Champions League iyada oo xaqiiqsatay todobaadkan.

Kooxda Carlo Ancelotti ayaa ku raaxaysanaysa xilli ciyaareed aad u qurux badan iyaga oo hal guuldaro oo kaliya la kulmay horyaalka Spain waxana ay haystaan ​​rikoor difaac oo kaliya 22 gool oo laga dhaliyay 34 kulan.

Taasi waxay timid inkastoo Thibaut Courtois, Eder Militao iyo David Alaba ay ka maqnaayeen qaybo badan oo xilli ciyaareedka ah dhaawacyo halis ah oo jilibka ah.

Hadii la rumeeyo wararkaas, Real waxa ay doonaysaa in ay xoojiso doorkeeda daafaca inta lagu jiro xagaaga, gaar ahaan doorkeeda dambeedka bidix.

Ciyaaryahanka Bayern Munich Alphonso Davies ayaa qandaraaskiisa Allianz Arena uga haray wax ka badan hal sano, waxaana uu u muuqdaa inuu sii heyn doono booskiisa wixii ka dambeeya 2024-25.

Si kastaba ha ahaatee, sida laga soo xigtay 90min, Ancelotti iyo Real Madrid ayaa xiiseynaya inay Mendy siiyaan qandaraas cusub sida ugu dhakhsaha badan.

Warbixinta ayaa sheegeysa in 28-sano jirkaan uu wacdaro dhigay qeybtii labaad ee xilli ciyaareedka, isagoo ku qanciyay ciyaartoyda muhiimka ah inuu weli mustaqbal ku leeyahay kooxda.

Sida laga soo xigtay Marca, Ancelotti ayaa dadaal weyn u galay sidii uu u sii haysan lahaa adeegga Mendy, kaasoo uu aaminsan yahay inuu leeyahay tayada difaac ee lagama maarmaanka ah si uu u sii wato doorkiisa.

Haddii Mendy uu sii joogi lahaa Real, ma cadda in Real ay weli diyaar u tahay inay bixiso wax badan si ay u hesho adeegyada Davies.

HBN SPORTS  DESK

La Xiriira

Live Now

English News

Facebook Feed