Postecoglou oo 26 dhibcood ka helay 10kii kulan ee furitaanka Premier League oo January kooxdiisa xoojinaya

Tababaraha kooxda Tottenham Hotspur Ange Postecoglou ayaa si maldahan u sheegay in kooxdiisu ay si firfircoon uga shaqayn doonto suuqa January ayna isku dayi doonaan in ay ganacsi kasta oo bartamaha xilli ciyaareedka ah ku qabtaan sida ugu dhaqsaha badan.

Qorsheynta xagaaga ee Lilywhites ayaa la caddeeyey inuu yahay guul weyn ilaa hadda, sida James Maddison, Guglielmo Vicario iyo Micky van de Ven ay dhamaantood iftiimeen intii ay kor u kaceen miiska sare ee Premier League.

Qabashada Manor Solomon, Brennan Johnson iyo Alejo Veliz ayaa sidoo kale xoojisay tayada dhalinyarada Spurs ee dhanka weerarka, halka daafaca aadka loo qiimeeyo ee Ashley Phillips uu isna qiimo jaban kaga yimid Blackburn Rovers.

Postecoglou, ayaa 26 dhibcood ka helay 10kii kulan ee furitaanka Premier League, Lilywhites ayaa wali loo saadaalinayaa inay  soo kordhiso safkeeda dhexe.

Daafac dhexe iyo weeraryahan cusub ayaa la sheegay inay bartilmaameed u noqon doonaan kooxda ka dhisan Waqooyiga London, kuwaasoo dhawaan soo dhaweyn doona Rob Mackenzie iyo Johan Lange oo ah kormeeraha guud iyo agaasimaha farsamada siday u kala horreeyaan.

HBN NEWS DESK

La Xiriira

Live Now

English News

Facebook Feed