Paris Saint-Germain oo garaacday Manchester United Liverpool nChelsea Arsenal saxiixa Gabriel Moscardo.

Paris Saint-Germain ayaa  ku guuleysatay tartanka saxiixa da’yarka kooxda Corinthians Gabriel Moscardo, iyadoo labada kooxood ay ku heshiiyeen heshiis afka ah.

18-sano jirkaan ayaa ku riyaaqay xilli ciyaareed heer sare ah sanadkan horyaalka heerka koowaad ee Brazil, isagoo ciyaaray 18 kulan oo Serie A ah, kaasoo dhaliyay hal gool, islamarkaana caawiyay hal gool, kana qeyb qaatay qaab ciyaareedka kooxda.

Tan iyo markii uu u soo biiray kooxda koowaad 12 bilood ka hor, Moscardo ayaa 25 kulan u saftay kooxda Corinthians, isagoo soo jiitay indhaha kooxo badan oo Yurub ah qaab ciyaareedkiisa.

Ciyaaryahanka khadka dhexe ayaa leh heer caalami, isagoo loogu yeeray xulka Brazil ee 23-jirada, si kastaba ha ahaatee rajada lama sheegin inay ku dhowdahay kooxda dhawaan, balse hishiiska hordhac ah ayaa laga gaaaray.

Sida laga soo xigtay saxafiga reer Talyaani ee Fabrizio Romano, PSG waxay kula tartamaysay dhawr kooxood oo Yurub ah si ay u hesho adeega Moscardo.

Warbixinta ayaa sheegeysa in Les Parisiens iyo Corinthians ay ku heshiiyeen 17 milyan ginni ciyaaryahanka khadka dhexe, kaasoo qarka u saaran inuu ka tago South America ka dib hal xilli ciyaareed oo dhameystiran oo kubada cagta ah.

HBN SPORTS DESK

La Xiriira

Live Now

English News

Facebook Feed