Paris Saint-Germain oo dooneysa laacib muhiim ah oo ka tirsan kooxda Manchester United isla markaana ay ku beddelayaan Kylian Mbappe

Paris Saint-Germain ayaa lagu soo waramayaa inay u aqoonsatay weeraryahanka Manchester United Marcus Rashford bartilmaameedkoodii ugu horeeyay ee ay ku bedelaan Kylian Mbappe inta lagu guda jiro suuqa kala iibsiga xagaagan.
Mbappe ayaa ku wargaliyay PSG todobaadkii hore inuu si xor ah uga tagi doono kooxda xagaagan, waxaana si weyn loo filayaa inuu u dhaqaaqo Real Madrid.

PSG ayaa sidaas darteed suuqa u gali doonta badalka, kooxda reer France ayaa lala xiriirinayaa xiddigo badan sida xiddiga Ac Milan Rafael Leao iyo xiddiga Napoli ee Victor Osimhen.

Sida laga soo xigtay The Times, kooxda heysata horyaalka Faransiiska ayaa Rashford ka dhigtay kaalinta koowaad ee liiska, iyadoo kooxda reer France ay xiiseyneyso adeegiisa mustaqbalka fog.

Warbixinta ayaa sheegeysa in maamulaha PSG Luis Campos uu aad u doonayo inuu heshiis la gaaro Rashford, kaasoo ku dhibtooday inuu qaab ciyaareedkiisa ugu fiican u soo bandhigo Man United xilli ciyaareedka 2023-24.

HBN SPORTS DESK

La Xiriira

Live Now

English News

Facebook Feed