Paris Saint-Germain iyo Newcastle United ayaa xiiseynaya inay xagaaga u dhaqaaqaan Rafael Leao

Paris Saint-Germain iyo Newcastle United ayaa lagu soo waramayaa inay sare u qaadi karaan xiisahooda weeraryahanka AC Milan Rafael Leao inta lagu guda jiro suuqa kala iibsiga xagaagan.
24-sano jirkaan ayaa loo arkaa inuu yahay xiddigaha ugu fiican Rossoneri, waxaana uu isku dhigay mid ka mid ah ciyaartoyda ugu fiican Serie A xilli ciyaareedkii hore.

Tan iyo markii uu Milan kaga soo biiray Lille bishii Agoosto 2019, Leao waxa uu u saftay kooxda 189 kulan tartamada oo dhan, isagoo u dhaliyay 49 gool, waxaana loo diiwaangeliyay 42 caawin.

Ciyaaryahanka heerka caalami ee dalka Portugal ayaa loo magacaabay ciyaaryahanka sanadka ee Serie A ka dib ololihii Milan ee 2021-22 oo uu u diiwaan geliyay 11 gool iyo 10 caawin 34 kulan oo horyaalka ah.

Leao ayaa markaas ka qayb qaatay 16 gool iyo 15 caawin 48 kulan oo uu ciyaaray tartamada oo dhan xilli ciyaareedkii hore iyada oo Milan ay ku dhamaysatay kaalinta 4-aad ee horyaalka Italy sidoo kale ay gaaray semi-finalka champions League.

HBN SPORTS DESK

La Xiriira

Live Now

English News

Facebook Feed