Xoghayaha Arrimaha Dibadda ee Maraykanka, Marco Rubio, ayaa muujiyay in dalkiisu uu tallaabo qaadi doono haddii aan la sameyn “isbeddello degdeg ah” oo yareynaya saameynta Shiinaha ee Kanaalka Panama. Wuxuu intaa ku daray in hanjabaadaha Washington ay keeneen in mas’uuliyiinta Panama ay sameeyaan tanaasul ku saabsan kanaalka iyo arrimaha socdaalka.
Axaddii, Rubio wuxuu kulan la yeeshay madaxweynaha Panama, Jose Raul Molino, iyo mas’uuliyiin kale, isagoo booqashadiisii ugu horreysay ee dibadda ku tagay Panama, taasoo qeyb ka ahayd safar uu ku marayay Bartamaha kaasoo ay diiradda lagu saarayay arrimaha socdaalka.
Waaxda Arrimaha Dibadda ee Maraykanka ayaa sheegtay in Rubio uu si cad ugu sheegay madaxweynaha Panama in “xaaladda hadda jirta aysan la aqbali karin, isla markaana haddii aan wax isbeddel ah la sameyn, Maraykanku uu qaadi doono tallaabo si uu u difaaco xuquuqdiisa uu ku leeyahay heshiiska.”
Wuxuu tixraacay heshiiska Panama iyo Maraykanka ee la saxiixay 1970-meeyadii.
Rubio wuxuu sidoo kale war-saxaafadeed ku sheegay in uu madaxweynaha Panama u caddeeyay in Donald Trump uu u arko saameynta sii kordheysa ee Shiinaha ee Kanaalka Panama iyo xarumihiisa inay tahay arrin aan la aqbali karin. Wuxuu xusay in haddii Panama aysan tallaabo degdeg ah qaadin, Maraykanku uu faragelin doono si waafaqsan heshiiskii ay la saxiixdeen Panama sannadihii 1970-meeyadii.
Maraykanku oo maamuli jiray Kanaalka Panama wuxuu dib ugu celiyay maamulka Kanaalka Panama dabayaaqadii 1999, ka dib markii muddo sanado ah ay labada dal si wadajir ah u maamulayeen. Illaa 40% konteenarrada Maraykanka waxay maraan badda istiraatiijiga ah ee kanaalkaas.
Kanaalka waxaa maamula Guddiga Kanaalka Panama, hay’ad madax-bannaan oo hoos timaada dowladda Panama.
Donald Trump ayaa marar badan ku hanjabay in uu dib ula wareegi doono Kanaalka Panama. Axaddii, wuxuu mar kale ku celiyay eedeymihiisa, isagoo sheegay in kanaalka “aan Shiinaha la siin, balse la siiyay Panama, hase yeeshee Panama ay jebisay heshiiskii, taasoo keeni doonta in Maraykanku uu dib ula wareego kanaalka ama ay wax aad u culus dhaci doonaan.”
Shiinaha ayaa beeniyay eedeymaha Maraykanka ee ku aaddan in uu saameyn xooggan ku leeyahay Kanaalka Panama. Wuxuu caddeeyay in uu ixtiraamayo madaxbannaanida Panama iyo xornimada ay u leedahay marin-badeedkaas muhiimka ah.
Madaxweynaha Panama, Jose Raul Molino, ayaa wax yar ka dib kulankii uu la yeeshay Rubio sheegay in Kanaalka Panama uu sii ahaan doono mid hoos yimaada maamulka Panama, isla markaana uu ka mid yahay hantida dadka reer Panama.
Intii lagu jiray shir jaraa’id, Molino wuxuu sheegay in uusan dareemin hanjabaad toos ah oo ka timid xoghayaha arrimaha dibadda ee Maraykanka.
Si kastaba ha ahaatee, waxa muuqata in Panama ay ku qasbanaatay inay tanaasul u sameysay Maraykanka, maadaama Molino uu shaaciyay in Panama aysan cusbooneysiin doonin heshiiskii Waddada Xariirka ah ee uu la saxiixay Shiinaha, kaasoo dhacaya sanadka soo socda.
Sidoo kale, wuxuu oggolaaday in Maraykanka loo oggolaado isticmaalka saldhigyada cirka ee Panama si loogu kormeero dadka tahriibaya ee u socda waqooyiga, balse wuxuu caddeeyay in isticmaalkaasi uusan noqon doonin mid militari, isla markaana loo adeegsan doono shirkad gaar loo leeyahay oo Mareykan ah.
Wuxuu intaa ku daray in Panama ay diyaar u tahay “wadahadallo farsamo” si wax looga qabto walaacyada Maraykanka ee ku saabsan xaaladda Kanaalka Panama.
Si la mid ah, dowladda Panama ayaa dhowaan amartay in dib u eegis lagu sameeyo shirkad laga leeyahay Hong Kong (oo ah gobol ka mid ah Shiinaha), taasoo gacanta ku haysa dekedaha labada dhinac ee Kanaalka Panama.
Xilli uu xoghayaha arrimaha dibadda ee Maraykanka, Marco Rubio, kulan la lahaa mas’uuliyiinta Panama, waxaa magaalada Panama City ka dhacay dibadbax ay dad gaaraya 200 qof kaga soo horjeedeen siyaasadda cusub ee maamulka Maraykanka.
Dibadbaxayaashu waxay gubeen calanka Maraykanka iyo sawirro muujinaya Rubio iyo Trump, iyagoo hor taagnaa calan muujinaya calaamadaha Naasiyiinta.
HBN Online TV