Newcastle United oo Real Madrid ka dooneysa laacibkooda Ceballos kaas oo raadinaya boos joogto ah

Newcastle United ayaa lagu soo waramayaa inay isku diyaarineyso inay u dhaqaaqdo ciyaaryahanka khadka dhexe ee Real Madrid Dani Ceballos bisha Janaayo, si ay ugu xoojiyaan khadkooda dhexe bisha Janaayo ee soo aaddan 2024.

Ceballos ayaa weli afar sano uga harsan tahay qandaraaskiisa Real Madrid, laakiin waxaa loo maleynayaa in ciyaaryahanka khadka dhexe uu doonayo inuu ka tago kooxda si uu u raadiyo boos joogto ah, kaas oo ku dhibaatoonaya in helo booska joogtada ah ee kooxda Caasimadda ee Real.

Newcastle United ayaa hadda ka fikireyso in ay wadahadal la furto kooxda Real si ay ugu soo bandhigaan macquul ahaanshaha sidii looga iibin lahaa xiddigaan, warbixinada ayaa sheegaya in laacibkaan uu xiisanayo u dhaqaaqista horyaalka Ingiriiska, kaas oo horay ugu soo ciyaaray kooxda Arsenal markaas oo uu amaah kaga yimaada Real Madrid.

HBN SPORTS DESK

La Xiriira

Live Now

English News

Facebook Feed