Newcastle United oo ka fikireysa in ay u dhaqaaqdo midkoodb Ramsdale iyo De Gea kaddib dhaawac halis ah oo saagaray goolhayahooda

Goolhayaha Arsenal Aaron Ramsdale iyo goolhayihii hore ee Manchester United David de Gea ayaa lagu soo waramayaa inay u furan yihiin inay ku biiraan Newcastle United suuqa Janaayo.

Magpies waxaa soo gaaray dharbaaxo weyn habeenkii sabtida iyadoo goolhayaha koowaad ee Nick Pope uu dhaawac garabka ah ka soo gaaray kulankii ay 1-0 kaga badiyeen gurigooda Manchester United kulan ka tirsan Premier League.

Pope ayaa lagu wadaa LA ogaado heerka uu gaarsiisan yahay dhaawaciisa marka uu la kulmo dhakhtar takhasus leh isbuucaan, waxaana la fahamsan yahay in 31 jirkaan uu garoomada ka maqnaan doono inta u dhaxaysa afar ilaa shan bilood.

Si kastaba ha ahaatee, warbixin dhawaan soo baxday ayaa sheegtay in wakiilka xorta ah ee De Gea uu yahay mid ka mid ah dhowr dookh oo ay tixgelinayso Newcastle, iyadoo helitaanka degdegga ah ee Isbaanishka la fahamsan yahay inay soo jiidanayso madaxda Magpies.

Sida laga soo xigtay talkSPORT, De Gea ayaa adeegiisa u soo bandhigay Newcastle, halka Arsenal Ramsdale uu sidoo kale u furan yahay u dhaqaaqista St James Park sanadka cusub.

Warbixintu waxa ay intaa ku dartay in Newcastle ay ka cago jiidayso inay lacag badan ku bixiso goolhaye cusub, sidaa darteed u dhaqaaqista Ramsdale – oo Arsenal lagu qiimeeyo 50 milyan ginni ayaa loo arkaa mid yar marka loo eego De Gea, oo loo arko mid la awoodi karo.

HBN SPORYS DESK

La Xiriira

Live Now

English News

Facebook Feed