Mohamed Elneny oo ka hadlay halka uu kaga fariisan doono xarfadiise ciyaareed

Ciyaaryahanka khadka dhexe ee Arsenal Mohamed Elneny ayaa shaaca ka qaaday inuu doonayo inuu isaga fariisto Waqooyiga London, isagoo qirtay inuu ooyay markii ay kooxdu u sheegtay inay doonayaan inuu sii joogo xilli ciyaareedka 2023-24.

31-sano jirkaan ayaa ah ciyaaryahanka ugu waqtiga dheer Gunners, isagoo ku biiray tababare Arsene Wenger bishii Janaayo 2016, laakiin wuxuu dhacay qandaraaskiisa dhamaadkii xilli ciyaareedkii hore.

Elneny ayaa hore qalinka ugu duugay cusboonaysiinta muddo gaaban ah dhamaadka ololaha 2021-22, isagoo ku riyaaqay soo noolaynta hishiiskiisa  intii uu hogaaminayay Mikel Arteta, laakiin xilli ciyaareedkii 2022-23 ayaa waxaa helay dhaawac jilibka ah oo soo gaaraay dhamaadkii Janaayo.

Evening Standard ayaa shaaca ka qaaday in  Elneny uu doonayo in Arsenal uu ku soo gabagabeyo xirfadiisa xilli wareysi siiyay majaladaas.

Elneny ayaa si lamid ah goolkiisii ​​ugu horeeyay u dhaliyay Arsenal ciyaar ay 3-1 ay ku badiyeen Barcelona 2016 Champions League, waxaana uu haatan leeyahay lix gool iyo 10 caawin 156 kulan oo uu u saftay Gunners tartamada oo dhan.

Ka dib qaliin jilibka ah iyo muddo dheer, Elneny – oo sidoo kale maamula akadeemiyada kubada cagta ee Elneny FC – ayaa hal kulan u saftay Arsenal xilli ciyaareedkan, isagoo kursiga keydka ka soo kacay kulankii EFL Cup ee wareegii seddexaad ee ay ka badiyeen Brentford.

HBN SPORTS DESK

La Xiriira

Live Now

English News

Facebook Feed