Mikel Arteta oo markale ka hadlay aaladda isticmaalka VAR ee Premier League

Maamulaha Arsenal Mikel Arteta ayaa u sheegay Premier League inay ku adkeystaan ​​isticmaalka VAR, waxaana uu aaminsan yahay inay noqon karto guul mustaqbalka, oo looga gudbo karo khaladaad badan oo kubadda cagta ah.

Arteta ayaa haatan fhibaato kala kulmaya  hadaladii uu ka sheegay garsooraha kadib markii uu dhaleeceeyay tayada garsoorayaasha kadib guuldaradii 1-0 ee Arsenal ka soo gaartay Newcastle bishii hore.

Tababaraha Gunners ayaa ku tilmaamay go’aankii lagu abaalmariyay goolkii guusha ee Anthony Gordon mid laga  “wax laga xishoodo” taasoo keentay in FA-ga ay dacwad ku soo oogaan.

Hadalkaan ayaa loo arkaa mid uu iskaga qaboojinayo cadaadiska kaga imaanaya AF-ga Ingiriiska, kuwaas oo si kulul uu jawaabay Makel Arteta.

HBN NEWS DESK

 

La Xiriira

Live Now

English News

Facebook Feed