Chelsea ayaa lagu soo waramayaa inay wali ku kalsoon tahay inay ku guulaysato tartanka loogu jiro weeraryahankeeda Michael Olise, inkastoo Crystal Palace ay isku dayday inay sii haysato 22 jirkaan.
West Londoners ayaa muujiyay xiisaha ay u qabaan saxiixa Olise xagaagii hore, laakiin xiddiga garabka ka ciyaara ayaa doortay inuu sii joogo Palace oo uu qandaraaska u kordhiyo ilaa June 2027.
Olise waxa uu dhaawac ku seegay dhawr kulan intii lagu jiray ololihii 2023-24, laakiin waxa uu wali awooday in uu dhaliyo 10 gool oo uu caawiye ka ahaa lix gool 19 kulan oo Premier League ah oo uu u saftay Eagles.
Xiddiga xulka qaranka France ee Under-21 ayaa ku riyaaqay dhamaadka xilli ciyaareedkan kadib imaatinka cusub ee tababaraha cusub Oliver Glasner waxana uu qayb ka ahaa kooxdii Palace ee badisay lix ka mid ah todobadii kulan ee ugu dambeeyay si ay u xaqiijiyaan kaalinta 10-aad ee kala sareynta horyaalka.
Olise ayaa loo arkaa ciyaaryahan muhiim u ah Palace, laakiin qaab ciyaareedkiisa dhowrkii xilli ciyaareed ee la soo dhaafay ayaa si la fahmi karo u soo jiitay indhaha kooxo badan oo Yurub ah.
Qiimaha lagu burburin karo qandaraaska Olise ee haatan ayaa la rumeysan yahay in lagu qiimeeyo 60 milyan ginni, laakiin Palace ayaa dooneysa inay kordhiso si ay uga hortagto xiisaha kooxaha.
Iyadoo ay taasi jirto, Fabrizio Romano ayaa sheegay in Chelsea ay wali kalsooni ku qabto inay ku guuleysato dalabka Olise ayna qorsheyneyso inay heshiis shaqsi ah la gasho ciyaaryahanka garabka ka ciyaara, kaasoo ugu dambeyntii gaari doona go’aanka ugu dambeeya ee mustaqbalkiisa.
Labada kooxood ee Newcastle United iyo Bayern Munich ayaa sidoo kale kor u qaaday xiisahooda toddobaadyadii la soo dhaafay, halka Chelsea la sheegay inay wadahadalo la furto Olise oo ku saabsan suurtogalnimada suuqa kala iibsiga xagaaga.
Manchester City, Manchester United, Arsenal iyo Aston Villa ayaa sidoo kale la rumeysan yahay inay xiiseynayaan Olise, laakiin dhamaantood waxay u muuqdaan inay gadaal ka riixayaan tartanka saxiixiisa sida ay wax u socdaan.