Arsenal ayaa lagu soo waramayaa inay ka caga jiideyso dhameystirto saxiixa weeraryahanka Brentford Ivan Toney suuqa kala iibsiga ee Janaayo. Ninka Brentford ayaa hadda qaadanaya ganaax siddeed bilood ah arrimo khamaar ah, kaas oo laga hor istaagay inuu ciyaaro kubad tartan ah tan iyo bishii May.
Arsenal ayaa ka mid ah kooxo dhowr ah oo lala xiriirinayo inay u dhaqaaqi karaan 27 jirkaan, kaasoo qandaraas uu dhacaayo ilaa xagaaga 2025.
Si kastaba ha ahaatee, sida laga soo xigtay The Telegraph, Arsenal ayaa ka cago jiideysa inay lacag badan ku qarash gareyso weeraryahan cusub bisha Janaayo, maaddaama lacagaha xiddigaan ay yihiin kuwa badan, iyada oo kooxdu xagaagii hore lacago badan galisay suuqa.
Natiijo ahaan, uma badna inay raacaan heshiiska Tony, kaasoo lagu soo waramayaa inay ku qiimeeyeen 100 milyan ginni kooxda Thomas Frank.
Arsenal ayaa raadi doonto ugu yaraan labo xiddiga oo ka ciyaara weerarka iyo qadka dhexe suuqa furanka jiilalka ee bilaawga 2024.
HBN NEWS DESK