Maxaa ka soo kordhay mustaqbalka Mbappe xilli si weyn loola xiriirinayo kooxda Real Madrid

Weeraryahanka Paris Saint-Germain Kylian Mbappe ayaa lagu soo waramayaa inuusan ku wargelin kooxdiisa inuu go’aansaday inuu ka tago xagaagan si uu beeca xorta ah ugu biiro Real Madrid.
Xiddiga heerka caalami ee dalka Faransiiska qandaraaskiisa PSG wuxuu dhacayaa 30ka Juunyo. Sabtida, Le Parisien ayaa soo warisay in weeraryahanka uu go’aansaday inuu ku biiro Los Blancos xagaagan.

Mbappe ayaa lagu soo waramayaa inuu doortay inuu si xor ah ugu biiro Bernabeu, iyadoo 25 sanno jirkaan ay u badan tahay inuu ku dhawaaqo toddobaadyada soo socda.

Si kastaba ha ahaatee, sida laga soo xigtay Sky Sports News, da’yarkii hore ee Monaco ayaan weli u sheegin PSG inuu ka tagayo dhamaadka ololahan si uu ugu wareego caasimadda Spain.

Warbixinta ayaa sheegeysa in Mbappe uu go’aansaday inuu marka hore ku wargeliyo PSG qorshihiisa, laakiin kooxda reer France ayaan haatan ka warqabin wax go’aan ah oo uu qaatay xiddiga reer France.

HBN SPORTS DESK

La Xiriira

Live Now

English News

Facebook Feed