Dadaalka diblumaasiyadeed ee lagu doonayo in lagu qaboojiyo xiisadda Geeska Afrika ayaa u muuqda kuwo miro dhal ah, sida ay sheegayaan ilo-wareedyo diblomaasiyadeed.
Dowladda Itoobiya ayaa u sheegtay dublamaasiyiinta reer galbeedka in ay ka go’an tahay in la ixtiraamo midnimada dhuleed iyo midnimo siyaasadeed ee dowladda Federaalka Soomaaliya si waafaqsan Axdiga Midowga Afrika iyo shuruucda caalamiga ah.
diblomaasiyiintan ayaa si cad ugu sheegay Itoobiya inaysan marnaba ballan qaadi doonin inay aqoonsi diblomaasiyadeed siiso maamulka Somaliland.
Dawladda Itoobiya ayaa sidoo kale sheegtay in aanay qaadin tallaabooyin ay ku dhaqangelinayso heshiiskii badda ee ay la gashay Somaliland, kaas oo xad-gudub ku ah midnimada dhulka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya.
Todobaadkii hore, Ergeyga Gaarka ah ee Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay u qaabilsan Soomaaliya (UNSOM) ee xilka ka sii degeysa ayaa la kulmay Wasiirka Arrimaha Dibadda Itoobiya Taye Atske-Selassie.
Atske-Selassie wuxuu dib u xaqiijiyay mawqifka Itoobiya ee midnimada siyaasadeed iyo midnimada dhuleed ee Soomaaliya. Wuxuu tusaale usoo qaatay joogitaanka ciidamada Itoobiya ee koonfurta iyo bartamaha Soomaaliya.
Warkan ayaa kusoo beegmaya xilli Somaliland ay sheegtay in labo bilood gudahood lagu dhameystirayo heshiiska badda ee Itoobiya.
Janaayo 1, 2024, Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya Abiy Axmed ayaa heshiis is afgarad ah la saxiixday Maamulka Somaliland, Heshiisku wuxuu u ogolaanayaa Itoobiya labaatan kiilo mitir oo dhul xeebeed ah oo ku taal gobolka Awdal muddo konton sannadood ah inay ka dhisato saldhig milatari, taas beddelkeedana Itoobiya ay aqoonsaneyso Somaliland dal madaxbannaan.
HBN NEWS DESK