Maxaa ka soo kordhay Karim Benzema kaasoo lala xiriirinayay Arsenal Chelsea iyo Manchester United

Karim Benzema ayaa lagu soo waramayaa inuu qarka u saaran yahay inuu sii joogo Al-Ittihad ilaa ugu yaraan xagaaga, inkastoo aad loo hadal hayo mustaqbalkiisa bishaan.
36-sano jirkaan ayaa si la yaab leh u go’aansaday inuusan qandaraas cusub u saxiixin Real Madrid sannadkii hore si uu ugu dhaqaaqo Saudi Arabia, isagoo qalinka ku duugay heshiis seddex sanno ah Al-Itixaad.

Benzema ayaa dhaliyay 12 gool waxana loo diwaan galiyay 5 caawin 20 kulan oo uu u ciyaaray kooxdiisa haatan xilli ciyaareedka 2023-24, oo ay ku jiraan 9 gool iyo 5 caawin 15 kulan oo uu ciyaaray Saudi Pro League.

Waxaa jiray hadal heyn badan oo ku saabsan weeraryahanka inta lagu guda jiro suuqa kala iibsiga bisha Janaayo, inkastoo la sheegayo inuu doonayo inuu ku laabto kubada cagta Yurub.

Kooxihii hore ee Lyon iyo Real Madrid ayaa lala xiriirinayaa inuu u dhaqaaqo, halka ay sidoo kale jiraan sheegashooyin Premier League ah oo ay xiiseynayaan Arsenal, Chelsea iyo Manchester United.

HBN SPORTS DESK

La Xiriira

Live Now

English News

Facebook Feed