Maxaa ka soo kordhay Ivan Tony iyo kooxda Arsenal xilli Gunners aad loola xiriirinayo weeraryahanka Brentford

Weeraryahanka Brentford Ivan Toney ayaa lagu soo waramayaa inuu aad ugu faraxsan yahay ku biirida Arsenal marka la gaaro suuqa January.

Weeraryahanka ayaa galay afartii todobaad ee ugu dambeysay ee ganaax sideed bilood ah kadib markii uu jabiyay sharciga sharadka xiriirka kubada cagta.
Iyadoo ganaaxiisa uu dhacayo bartamaha Janaayo, Tony ayaa soo jiitay xiisaha kooxo badan oo Premier League ah.

Arsenal, Chelsea iyo Tottenham Hotspur ayaa dhamaantood lala xiriirinayay inay u dhaqaaqi karaan bisha Janaayo ciyaaryahanka heerka caalami ee dalka England.

Si kastaba ha ahaatee, sida laga soo xigtay saxafiga Fabrizio Romano, xiddiga  Brentford ayaa door bidaya inuu u wareego Gunners oo doonayo in kooxda ku biiro waqooyiga London.

27 jirkaan ayaa ku faraxsan suurtagalnimada uu ugu biiri karo kooxda Mikel Arteta bisha Janaayo ama dhamaadka xilli ciyaareedkan.

Iyadoo Gunners ay ku faanto Gabriel Jesus iyo Eddie Nketiah inay yihiin dooqyadooda dhexe ee weerarka, waxay go’aansadeen inay keenaan xoojin inta lagu jiro sanadka cusub iyagoo raadinaya inay u dagaalamaan koobabka qaybta labaad ee ololaha.

HBN SPORTS DESK

La Xiriira

Live Now

English News

Facebook Feed