Maxaa ka jiro in macalin Xavi Bareclona ay dooneyso in ay shaqada ka buriso maaddaama uu soo bandhigay qaab ciyaareed liita

Barcelona ayaa lagu soo waramayaa in ayna wax qorshe ah u hayn in ay shaqada ka cayriso Xavi inkasta oo ay kooxdu soo bandhigtay qaab ciyaareed aan joogto ahayn, kaasoo uu ku yimid hoos u dhac.

Kooxda Catalans ayaa u suurtagashay in ay hogaanka u qabato Group-kooda Champions League inkasta oo ay guuldaro lama filaan ah 3/2 kala kulmeen Royal Antwerp kulankoodii ugu dambeeyay ee tartanka todobaadkii hore.

Barcelona ayaa badisay kaliya hal kulan afartii kulan ee ugu dambeeyay ee La Liga inkasta oo ay guuldaro 4/2 ah kala kulmeen Girona 10kii December, halka kulankii ugu dambeeyay ay bar-baro 1/1 ah la galeen kooxda Valencia.

Kooxda difaacanaysa horyaalka La Liga ayaa hoos ugu dhacday kaalinta 4-aad ee kala saraynta horyaalka La Liga iyaga oo leh 35 dhibcood, sagaal dhibcood ayayna ka dambeeyaan kooxda hogaanka haysa ee Girona oo isku mid ah (17 kulan), waxaana dhawaanahan la isla dhex marayay warar ku saabsan mustaqbalka Xavi.

Sida laga soo xigtay Marca, kooxda ayaa sii hayn doonta Xavi inta ka dhiman ololaha iyadoo aan loo eegin waxa dhaca, laakiin Rafael Marquez ayaa loo arkaa bedelka mustaqbalka mustaqbalka.

HBN SPORTS DESK

La Xiriira

Live Now

English News

Facebook Feed