Maxaa ka jira wararka sheegaya in Manchester United ay la soo wareegeyso Karim Benzema inta lagu guda jiro suuqa kala iibsiga bisha Janaayo

Manchester United ayaa lagu soo waramayaa inaysan wax niyad ah u haynin inay u dhaqaaqdo weeraryahanka Al-Ittihad Karim Benzema inta lagu guda jiro suuqa kala iibsiga bisha Janaayo.

Iyadoo lagu jiro baaqyo isdaba joog ah oo lagu xoojinayo weerarkooda bartamihii ololaha, ayaa la soo wariyay isbuucaan in Red Devils ay ka fiirsaneyso inay si lama filaan ah ula wareegto Benzema.

Saxiixa xagaaga ee Rasmus Hojlund ayaa dhaliyay kaliya laba gool Premier League intii uu hogaaminayay Erik ten Hag ilaa haatan, halka Anthony Martial oo beddell ku soo galay uu dhowr todobaad ku maqan yahay dhibaato caafimaad oo aan la cayimin.

Inkastoo aan la hubin mustaqbalka Martial iyo dhibaatada Hojlund ee Premier League, Mirror ayaa sheegeysa in Man United aysan qorsheyneynin inay isku daydo inay Benzema ku soo jiidato Premier League bishaan.

36 jirkaan ayaa si la yaab leh usoo gabagabeyay waayihiisa Real Madrid xagaagii si uu ugu biiro kooxda heysata horyaalka Saudi Pro League ee Al-Ittihad,kaasoo diiwaan geliyay 12 gool iyo shan caawin 20kii kulan.

Inkastoo Benzema uu gacan ka geystay, Al-Itixaad ayaa si liidata ku bilowday difaacashada horyaalka, iyagoo ku jira kaalinta 7aad ee kala sareynta horyaalka Saudi Pro League, iyagoo leh 28 dhibcood 18 kulan oo ay ciyaareen, iyagoo 25 dhibcood ka dambeeya kooxda hogaanka heysa ee Al-Hilaal.

HBN SPORTS DESK

La Xiriira

Live Now

English News

Facebook Feed