Maxaa ka jira wararka la xiriiro in Jurgen Klopp uu noqonayo tababaraha cusub ee Bayern Munich dhamaadka xilli ciyaareedka 2023-24.

Wakiilka Jurgen Klopp ayaa shaaca ka qaaday in tababaraha Jarmalka uusan noqon doonin tababaraha cusub ee Bayern Munich dhamaadka xilli ciyaareedka 2023-24.
Waqtigii Thomas Tuchel ee Allianz Arena ayaa dhammaan doona xagaagan, iyadoo labada dhinac ay go’aansadeen inay kala tagaan marka xilli ciyaareedka hadda la soo gabagabeeyo.

Klopp ayaa ka tagaya Liverpool xagaagan, dhanka kale, waxaana jiray soo jeedin ah in 56-sano jirkaan uu noqon karo bedelka Tuchel.

Si kastaba ha ahaatee, Marc Kosicke, oo ah wakiilka Klopp, ayaa ku adkeystay in tababaraha haatan ee Liverpool uu heli doono 12 bilood oo fasax ah shaqada marka uu dhamaado xilli ciyaareedkan.

“Jurgen Klopp ma tababari doono koox ama xul qaran muddo sanad ah kadib xilli ciyaareedkaan, taasi wali waxba iskama bedelin” ayuu Kosicke u xaqiijiyay Sky Deutschland.

Klopp ayaa xirfadiisa ciyaareed ka soo bilaabay Mainz 05 ee dalka Germany wuxuuna soo maamulay muddo 7 sano ah ka hor inta uuna u wareegin Borussia Dortmund halkaas oo uu guulo waaweyn ka gaaray.

Tababaraha ayaa ku guuleystay labo horyaal oo Bundesliga ah, hal German Cup iyo labo German Super Cup intii uu joogay BVB, waxaa u sii dheer inuu gaaray finalka Champions League xilli ciyaareedkii 2012-13.

Klopp ayaa markaas u dhaqaaqay Liverpool bishii Oktoobar 2015, wuxuuna kula guuleystay Premier League, FA Cup, EFL Cup, Community Shield, Champions League, UEFA Super Cup iyo Club World Cup intii uu joogay Anfield.

Bayern ayaa wajaheysa xilli ciyaareed aan wax koob ah heysan, iyadoo sideed dhibcood ka hooseysa hogaamiyaasha Bundesliga ee Bayer Leverkusen, halka ay 1-0 ku garaacday Lazio wareega 16ka ee Champions League.

HBN SPORTS DESK

La Xiriira

Live Now

English News

Facebook Feed