Maxaa ka jira in Barcelona ay doonaysa in ay dib ugu soo celiso kooxda Pep Guardiola

Madaxweynaha Barcelona Joan Laporta ayaa lagu soo waramayaa inuu diyaar u yahay inuu ‘dhammaan joogsiga ka saaro’ si uu Pep Guardiola ugu soo celiyo Camp Nou dhamaadka xilli ciyaareedka 2023-24.

Kooxda reer Catalan ayaa magacaabi doonta tababare cusub xagaagan, iyadoo Xavi uu todobaadkii hore shaaca ka qaaday inuu ka tagayo shaqada tababarenimo dhamaadka xilli ciyaareedkan.

Booska Xavi ee hogaanka ayaa su’aal la geliyay isbuucyadii u dambeeyay, sababtoo ah qaab ciyaraadkiisa liitay, waxaa uu sheegay in kooxdu ay u baahan tahay dhiig cusub.

44-jirkan ayaa Talaadadii sheegay in shaqadiisa “ay hoos u dhacday” balse wuxuu sheegay inuu u furan yahay inuu ka hadlo soo laabashada mar mustaqbalka.

Tababaraha kooxda Barcelona B Rafael Marquez ayaa muujiyay xiisaha uu u qabo badalka Xavi, halka maamulaha Bologna ee Thiago Motta uu sidoo kale bartilmaameed u yahay.

Sida laga soo xigtay El Chiringuito TV, Laporta waxaa ka go’an inuu Guardiola dib ugu soo celiyo Camp Nou, laakiin wuxuu wajahayaa dagaal uu ku qancinayo tababaraha reer Spain inuu ka tago Manchester City.

HBN SPORTS DESK

La Xiriira

Live Now

English News

Facebook Feed