Wakiilka Kylian Mbappe ayaa ka dhawaajiyay in xiddiga heerka caalami ee dalka France uu beeca xorta ah ugu biiri doono kooxda Real Madrid xagaagan.
25-sano jirkaan ayaa ka tagaya Paris Saint-Germain, taasoo horey loo xaqiijiyay, iyadoo qandaraaskiisa caasimada France uu si rasmi ah u dhacayo dhamaadka bisha soo aadan.
Wali wax war ah lagama hayo dhaq dhaqaaqiisa xiga, laakiin Real Madrid ayaa u muuqata mid ku guulaysatay saxiixiisa.
Kooxda Carlo Ancelotti ayaa la filayaa inay xaqiijiso heshiiska horaanta bisha soo socota, markaasoo ay finalka Champions League ee ay la ciyaarayaan Borussia Dortmund.
Mbappe ayaa xaflad ku qabtay Paris fiidnimadii isniinta si uu u soo gabagabeeyo waqtigiisa PSG, wakiilkiisa iyo hooyadii ayaa meesha ka saaray mustaqbalka weeraryahanka markii ay ka baxday goobta.
Mbappe ayaa dhaliyay 44 gool waxaana loo diwaan galiyay 10 caawin 47 kulan oo uu u saftay kooxdiisa France xiliciyaareed kan, isagoo hantay horyaal kale oo Ligue 1 ah.
Kooxda Enrique ayaa finalka Coupe de France la ciyaari doonta kooxda Lyon dhamaadka todobaadkan laakiin waxa soo baxayay warar sheegaya in Mbappe laga yaabo in laga saaro kooxda.
HBN SPORTS DESK