Maxaa ka cusub kulanka weyn ee Liverpool iyo Arsenal ciyaartooyda maqan iyo kuwa soo laabtay labada dhinac

Kooxda Liverpool ayaa soo dhaweyn doonta kooxda Arsenal oo hoggaamineyso horyaalka Premier League, ciyaarta ayaa dunida dhan laga sugayaa waana mid kamid ah kulamada ugu xamaadsada badan horyaalka Ingiriiska, labada dhinac ayaa doonaya midba midda kale in au guul ka gaarto.

Dhacdadii ugu dambeysay ee cinwaan looga dhigay ajandaha Premier League ayaa ah isku dhac heersare ah oo u dhaxeeya Liverpool iyo Arsenal, kuwaas oo geesaha isku dhufan doono  fiidnimadii Sabtida kulanka horyaalka ee Anfield.

Gunners ayaa hal dhibic ka sareysa dhigeeda Merseyside xilli ciyaareedkan,
Ryan Gravenberch ayaa taam u ah inuu wajaho Arsenal, laakiin ciyaarta ayaa waxaa seegi doono, Alexis McAllister iyo Diogo Jota, Andy Robertson, Thiago, Joel Matip, Stefan Bajcetic iyo Ben Doak ayaa sidoo kale dhaawac ku maqan.

Trent Alexander-Arnold, Mohamed Salah iyo Luis Diaz ayaa dhamaantood ku soo laaban doona XI laakiin Darwin Nunez ayaa wajahaya dagaal uu booskiisa ku ilaashan karo Cody Gakpo oo gool ka dhaliyay West Ham.

Kooxda Safarka ah ee Arsenal  ayaa weyn doonto  Thomas Partey, Takehiro Tomiyasu iyo Mohamed Elneny laakiin Jorginho ayaa laga yaabaa inuu ku soo laabto kooxda Arsenal, Fabio Vieira iyo Jurrien Timber ayaa sidoo kale wali dhaawac kaga maqan Gunners.

HBN SPORTS DESK

La Xiriira

Live Now

English News

Facebook Feed