Mauricio Pochettino oo ka hadlay suuqa kala iibsiga Chelsea ee Janaayo xilli kooxdu ay ku dhibaatootay Premeir League

Mauricio Pochettino ayaa si maldahan u sheegay inuu doonayo in Chelsea ay si firfircoon uga shaqeyso suuqa kala iibsiga bisha Janaayo.  Blues ayaa la kulantay guuldaradii seddexaad ee Premier League afar kulan oo ay ciyaartay iyadoo 2-0 looga badiyay Everton.

Natiijo ahaan, Chelsea ayaa hadda fadhisa booska 12-aad ee kala sarraynta, taasoo noqon lahayd kaalinta 13aad haddii Everton aan 10 dhibcood laga jarin laheyn maadaama ay jabiyeen sharciga Premier League.

Inkastoo Pochettino uusan weli awoodin inuu keeno Romeo Lavia iyo Christopher Nkunku sababo la xiriira dhaawacyo canqowga iyo jilibka ah, Chelsea ayaa la soo saxiixatay ilaa 8 ciyaaryahan xagaagan kuwaasoo diyaar u ah inay u ciyaaraan kooxda koowaad.

Arrimaha kale ee taam ahaanshaha ayaa sidoo kale caqabad ku noqday Pochettino, sida uu marar badan ku soo bandhigay kursiga keydka dhalinyarada, haddana hadaladiisa ka dib dib u dhacii Goodison Park ayaa soo jeedinaya in Chelsea ay qorsheyneyso inay noqoto mid firfircoon dhanka Suuqa kala iibsiga Janaayo.

Sida laga soo xigtay Sky Sports News, wuxuu yiri: “Waxay ku saabsan tahay horumarka, waxaan ka hadlaynaa afar, shan bilood – 16 kulan – waxayna sameyn doonaa qiimeyn, haddii aan maanta dhalin karno dhammaan fursadaha aan helnay … gool dhalin haddii aan doonayno inaan badino ciyaaraha”.

“Waxaan u baahanahay inaan sii dagaalanno, ka dib waa qiimeyn ballaaran, marka uu furmo suuqa kala iibsiga, waxaan arki doonaa waxa aan sameyn karno.” ayuu yiro.

HBN SPORTS DESK

La Xiriira

Live Now

English News

Facebook Feed