Getafe ayaa lagu soo waramayaa inay ku dhibtoon doonto inay si joogto ah u hesho saxiixa Mason Greenwood xagaaga soo aadan, sababtoo ah tirada kooxaha soo bandhigay xiisaha ay uga qabaan laacibkaManchester United, iyo dhanka dhaqaalaha oo aysan ka bixi karin kooxdu.
Ka dib markii ay ku wargeliyeen 20-ka jeer ee horyaalka Ingariiska in xirfadiisa ciyaareed uu dhamaaday, weeraryahanka ayaa amaah ugu biiray Getafe xagaagii, waxaana uu qaab ciyaareed fiican ku soo bandhigayaa kooxda La Liga, isagoo dhaliyay afar gool, waxaana loo diiwaan geliyay seddex caawin 11 kasoo muuqday tartamada oo dhan.
22-sano jirkaan ayaa lagu wadaa inuu ku laabto Old Trafford bisha June ee soo socota, waxaana 18 bilood oo kale uga harsan tahay inuu qandaraaska uu kula jiro Red Devils.