Manchester United oo u dhaqaaqeysa bedelka 1aad ee Raphael Varane kaas oo ka fikiraya in uu kooxda ka tago Janaayo

Manchester United ayaa lagu soo waramayaa inay u aqoonsatay ciyaaryahanka Nice ee Jean-Clair Todibo inuu yahay bedelka 1aad ee Raphael Varane, iyadoo ay kor u sii kacayso wararka la isla dhexmarayo ee ku saabsan mustaqbalka xiddiga reer France.

Varane ayaa 10 kulan u saftay Red Devils xilli ciyaareedkan, laakiin dhawaanahan ayaa laga ilduufay inuu ku soo bilowdo, iyadoo Jonny Evans iyo Harry Maguire ay ka soo hormareen labadii kulan ee ugu danbeysay ee Premier League.

30-sano jirkaan ayaa qandaraaskiisa Old Trafford ku eg ilaa June 2025, laakiin dhawaanahan waxaa soo baxayay warar sheegaya inuu ka fiirsanayo mustaqbalkiisa kooxda Erik ten Hag.

Sida laga soo xigtay Caught Offside, Varane ayaa laga yaabaa inuu baxo isla Janaayo, taasoo ka dhigeysa kooxda 20-ka jeer heysata horyaalka Ingariiska inay suuqa u gasho bedelka.

HBN SPORTS DESK

La Xiriira

Live Now

English News

Facebook Feed