Manchester United oo u dhaqaaqday xiddiga khadka dhexe eeValencia Javi Guerra haddaba wax badan ka ogaw laacibkaan

Manchester United ayaa lagu soo waramayaa inay €50m (£44m) ku dooneyso ciyaaryahanka khadka dhexe ee Valencia Javi Guerra.

20-sano jirkaan ayaa kaliya saftay kulankiisii ​​ugu horeysay bartamihii bishii April, lakiin waxa uu ku dhameystay xilli ciyaareedkii hore isagoo u saftay 10 kulan oo La Liga ah, kaasoo shabaqa  soo taabtay kulankii Real Valladolid.

Guerra ayaa si rasmi ah loogu soo daray kooxda koowaad ee xilli ciyaareedka 2023-24, waxaana uu qaab ciyaareed cajiib ah soo bandhigay xilli ciyaareedkan, isagoo dhaliyay seddex gool, halka uu hal caawin sameeyay sagaal kulan oo La Liga ah.

Qaab ciyaareedka xiddiga khadka dhexe ayaa keentay in la isla dhex maro mustaqbalkiisa iyada oo Man United iyo Newcastle United ay yihiin laba kooxood oo badan oo la aaminsan yahay in ay doonayaan saxiixiisa.

Sida laga soo xigtay Fichajes, kooxda heysata 20-ka jeer ee Ingariiska ayaa hadda dalab €50m (£44m) ku dooneysa Guerra iyadoo rajeyneysa inay ku guuleysato tartanka saxiixiisa.

Guerra ayaa dhawaan qalinka ku duugay heshiis cusub oo uu ku sii joogayo Mestalla ilaa June 2027 waxana ku jira heshiiskii lagu bur-burin lahaa lacag dhan 100 milyan euro (£87.3m).

Si kastaba ha ahaatee, Man United ayaa la sheegay inay kalsooni ku qabto in dalabkooda €50m (£44m) uu ku filnaan doono inay Valencia ka iibiyaan dhaqaale xumada haysata kooxda reer Spain.

HBN SPORTS DESK

La Xiriira

Live Now

English News

Facebook Feed