Manchester United oo laga yaabaa inay weyso 11 ciyaartoy kulanka ay wajaheysa kooxda Liverpool Axada soo aaddan

Manchester United ayaa laga yaabaa inay waayi doonto ilaa 11 ciyaartoy kulanka Premier League ee Liverpool ay Axada kula ciyaari doonaan garoonka Anfield.
Red Devils ayaa guuldarro 3-0 ah ka soo gaartay Bournemouth horyaalka isbuucii hore, ka hor inta aysan 1-0 ku garaacin Bayern Munich ciyaar ka dhacday Old Trafford Talaadadii.

Waxaa jira cadaadis saaran tababaraha Erik ten Hag si uu natiijo wax ku ool ah u keeno Liverpool Axada, laakiin kooxda 20-ka jeer qaaday horyaalka Ingariiska ayaa laga yaabaa inay weyso ilaa 11 ciyaartoy.

Casemiro iyo Lisandro Martinez ayaa labadooduba ka soo kabsaday dhaawacyo muruqa iyo cagaha ah, laakiin labadaba aya mar kale seegi doona todobaadkan.

Tyrell Malacia ayaa sidoo kale weli ka soo kabanaya qaliin jilibka ah, halka Christian Eriksen uusan weli diyaar u aheyn inuu ka soo laabto dhaawac jilibka ah oo uu soo gaaray ka hor ciyaaraha caalamiga ah ee November.

Kabtan Bruno Fernandes ayaa hubaal ah inuu maqan yahay, iyadoo xiddiga heerka caalami ee dalka Portugal uu ganaax ku maqan yahay kaarka jaalaha ah ee uu ku qaatay kulankii ay guuldarrada ka soo gaartay Bournemouth.

Victor Lindelof ayaa wali shaki ku jiraa dhaawac uu ku seegay labadii kulan ee ugu dambeeyay, halka Mason Mount uu sidoo kale wajahayo dagaal uu ku ciyaari karo inkasta oo uu dhawaan ku soo laabtay tababarka ka dib dhaawac kubka ah.

Man United ayaa laba dhaawac oo cusub soo gaadhay kulankii Bayern, halka Harry Maguire iyo Luke Shaw labadaba lagu qasbay garoonka in ay ka baxaan.

HBN SPORTS DESK

La Xiriira

Live Now

English News

Facebook Feed