Manchester United oo lacag jaban kula soo wareegaysa Antoine Griezmann.

Manchester United ayaa lagu soo waramayaa inay diyaarineyso qorshe ay ku dooneyso Antoine Griezmann, iyadoo kooxda ay ka go’an tahay inay weeraryahanka Atletico Madrid iyo France kala soo wareegto xagaaga soo aadan.

32 jirkan ayaa qaab ciyaareed cajiib ah ku soo bandhigaya Atletico xilli ciyaareedkii 2023-24 isaga oo dhaliyay 12 gool waxana uu caawiye ka ahaa hal gool 16 kulan oo uu saftay tartamada oo dhan.

Griezmann ayaa wali muhiim u ah France, dhanka kale, waxaana lagu wadaa inuu u noqdo ciyaaryahan muhiim u ah koox dooneysa inay sharaf badan ka raadiso Koobka Qaramada Yurub xagaaga soo aadan.

Qandaraaska uu haatan weeraryahanka kula jiro Atletico ayaa ku eg ilaa June 2026, laakiin sida laga soo xigtay El Nacional, waxaa jira 22 milyan ginni oo lagu burburin karo qandaraaskiisa.

Warbixinta ayaa sheegeysa in Man United ay isku diyaarineyso inay bixiso lacagta ay ku iibsaneyso sidoo kale waxay siin doontaa qandaraas ku kacaya 350 kun ginni isbuucii si ay ugu qanciso inuu u dhaqaaqo Old Trafford.

HBN SPORTSA DESK

 

La Xiriira

Live Now

English News

Facebook Feed