Manchester United oo ka takhaluseysa Christian Eriksen suuqa kala iibsiga bisha Janaayo.

Manchester United ayaa  dooneyso inay dhageysato dalabyada u imaanaya ciyaaryahanka khadka dhexe ee Christian Eriksen inta lagu guda jiro suuqa kala iibsiga bisha Janaayo.

Ciyaaryahanka heerka caalami ee dalka Denmark ayaa u dhaqaaqay Old Trafford xagaagii 2022 ka dib markii uu dhacay qandaraaskiisa Brentford, waxaana uu u saftay Red Devils 59 jeer, isagoo dhaliyay seddex gool, waxaana loo diiwaan geliyay 12 caawin.

Eriksen ayaa saftay 15 kulan xilli ciyaareedkan isaga oo dhaliyay hal gool sidoo kale caawiye ka noqday 2 gool laakiin haatan waxa uu ku maqan yahay dhaawac jilibka ah.

31-sano jirkaan ayaa seegay seddexdii kulan ee ugu danbeysay ee kooxdiisa Premier League, waxaana sidoo kale uu maqnaan doonaa kulanka Bournemouth sabtida, lakiin waxaa loo badaniyaa inuu soo laabto ka hor dhamaadka sanadka.

Sida laga soo xigtay Football Insider, Man United ayaa u furan dalabyada bisha Janaayo Eriksen, iyadoo kooxdu ay aaminsan tahay inuu ku dhibtoon karo dalabaadka kubbada cagta Premier League.

Warbixinta ayaa sheegeysa in qaar ka mid ah shaqaalaha ay walaac ka muujiyeen qaab ciyaareedkiisa horaantii xilli ciyaareedka, waxaana loo badinayaa inuusan kooxda la joogi doonin bilowga xilli ciyaareedka soo socda.

Eriksen waxaa ka haray 18 bilood qandaraaskiisa Old Trafford, isagoo qalinka ku duugay heshiis seddex sano ah markii uu kaga soo biiray Brentford bishii Luulyo 2022.

HBN SPORTS DESK

La Xiriira

Live Now

English News

Facebook Feed