Manchester United oo ka fikireyso hishiiska weeraryahanka kooxda Bayern Munich Thomas Muller

Manchester United ayaa diyaar u ah  inay u furan tahay suurtogalnimada ay kula soo saxiixaneyso weeraryahanka Bayern Munich Thomas Muller inta lagu guda jiro suuqa kala iibsiga bisha Janaayo.

Horraantii xilli ciyaareedkan, Erik ten Hag ayaa la rumeysan yahay inuu cadaadis ku saarnaa Old Trafford, qeyb ahaan hoos u dhac ku yimid gool la’aanta kooxda, si loo helo weerar yahan khibrad leh.

Si kastaba ha ahaatee, United ayaa haatan uruursatay 15 dhibcood lixdii kulan ee ugu danbeysay ee Premier League, guushii 3-0 ay ka soo gaartay Everton Axadii, United iyo Ten Hag ayaa heysta waqti ku filan oo ay suuqa kala soo wareegaan ka hor dhamaadka sanadka, hadana waxa ay u muuqataa in hal ciyaaryahan uu ku jiro liiska xidigaha ay doonayaan.

Sida laga soo xigtay BILD, United ayaa laga yaabaa inay isku daydo inay ka faa’ideysato xaalada Muller ee Allianz Arena.

HBN SPORTS DESK

La Xiriira

Live Now

English News

Facebook Feed