Manchester United oo isku dayaysa inay amaah ku qaadato Mauro Icardi

Manchester United ayaa lagu soo waramayaa inay ka fiirsaneyso inay u dhaqaaqdo weeraryahanka Galatasaray Mauro Icardi inta lagu guda jiro suuqa kala iibsiga bisha Janaayo.

Scott McTominay waa gooldhaliyaha ugu sareeya kooxda reer England xilli ciyaareedkan isagoo dhaliyay lix gool, halka Bruno Fernandes iyo Rasmus Hojlund ay min shan gool u kala dhaliyeen kooxda Erik ten Hag xilli ciyaareedka 2023-24.

Hojlund ayaan weli ka soo bixin sumcadda Premier League, inkastoo Marcus Rashford uu labo gool oo qura dhaliyay xilli uu ku jiray olole niyad jab ah, waxaana la fahamsan yahay in Ten Hag uu aad ugu baahan yahay inuu weeraryahan cusub u keeno kooxda bisha soo socota, maaddaama Martial uu dhacaaayo qandaraaskiisa bisha June ee soo socota.

Sida laga soo xigtay FootballTransfers, Red Devils ayaa si dhab ah uga fikiraysa inay amaah ugu dhaqaaqdo Icardi, iyadoo xiddiga reer Argentine uu wacdaro ka dhigay intii uu joogay Turkiga.

30-sano jirkaan ayaa xilli ciyaareedkii 2022-23 amaah ku qaatay Galatasaray oo uu kaga soo biiray Paris Saint-Germain, isagoo u dhaliyay 23 gool 26 kulan oo uu u saftay kooxda ka hor inta uusan si joogta ah ugu biirin bishii July ee la soo dhaafay.

HBN SPORTS DESK

La Xiriira

Live Now

English News

Facebook Feed