Manchester United oo iska iibineyso xidigo dhowr ah oo ka tirsan kooxda kowaad

Manchester United ayaa lagu soo waramayaa inay tahay inay iska iibiso xidigaha  kooxdeeda koowaad xagaagan si ay u xoojiso kooxdeeda ololaha 2024-25.
Red Devils ayaa laga hor istaagay inay wax saxiix ah sameyso bisha Janaayo sababo la xiriira sharciga dhaqaale wanaaga, iyadoo maamule Erik ten Hag uu qirtay inuusan awoodin inuu iibsado horaantii suuqa jiilaalka sababo dhaqaale dartood.

Sida laga soo xigtay Football Insider, Man United ayaa wali la dhibtoonaysa waajibaadka dhaqaale waxayna kooxdu ku qasbanaan doontaa inay iibiso ciyaartoy si ay lacag uga hesho suuqa kala iibsiga xagaagan.

Victor Lindelof iyo Harry Maguire ayaa labadaba lala xiriirinayay inay ka tagayaan Old Trafford, halka Aaron Wan-Bissaka la sheegay in lagu heli karo qiimo sax ah xagaagan.

Kooxda ayaa sidoo kale samayn doonta lacag kayd badan oo dhanka mushaharka ah hadii Raphael Varane uu kooxda uga tagi lahaa beeca xorta ah marka uu heshiiskiisu dhaco dhamaadka June.

HBN SPORTS DESK

La Xiriira

Live Now

English News

Facebook Feed