Manchester United oo dooneysa inay la soo wareegto afar ciyaaryahan oo cusub bisha Janaayo balse ay ku xiran tahay hal sharuud

Manchester United ayaa lagu soo waramayaa inay dooneyso inay la soo saxiixato ilaa afar ciyaaryahan oo cusub inta lagu guda jiro suuqa kala iibsiga bisha Janaayo, laakiin ganacsigooda jiilaalka ayaa loo badinayaa inuu ku xirnaado imaatinka Sir Jim Ratcliffe oo lagu wado in uu kooxda yimaado haddii hishiisku dhaco.
Ratcliffe ayaa qarka u saaran inuu bixiyo ku dhawaad 1.3 milyan ginni si uu u iibsado 25% Man United, laakiin heshiiska weli lama shaacin inkastoo la soo jeediyay inuu ku ekaan doono fasaxa caalamiga ah ee November. Kooxda 20-ka jeer ku guuleysatay horyaalka Ingariiska waa in ay ka shaqeyso sharciga dhaqaale wanaaga xagaagii, laakiin khabiirka dhaqaalaha kubada cagta Kieran Maguire ayaa dhawaan sharaxay sida u dhaqaaqida Ratcliffe ee kooxda, inkastoo saamilayda laga tirada badan yahay, ay ka caawin doonto kooxda inay qarash gareyso bisha Janaayo.
Sida laga soo xigtay The Guardian, Man United ayaa dooneysa afar ciyaaryahan oo cusub bilowga 2024, oo uu ku jiro daafac dhexe, labo khadka dhexe ah iyo weeraryahan loo arko boosaska mudnaanta leh.
Warbixinta ayaa sheegeysa in Red Devils ay ka walaacsan tahay qaab ciyaareedka Mason Mount, iyadoo ciyaaryahanka reer England ay ku adkeyd inuu saameyn ku yeesho Old Trafford tan iyo markii uu xagaagii ka yimid Chelsea.
HBN SPORTS DESK

La Xiriira

Live Now

English News

Facebook Feed