Manchester United oo dooneys saxiixa Rafael Leao miyey AC Milan ceshan kartaa da’yarka Portugal-ka

Manchester United ayaa lagu soo waramayaa inay go’aansatay inay la soo wareegto weeraryahanka AC Milan Rafael Leao inta lagu guda jiro suuqa kala iibsiga xagaaga soo aadan.

Waxaa jiray hadal heyn badan oo ku saabsan mustaqbalka xiddiga reer Portugal ee 2022, iyadoo Chelsea la rumeysan yahay in labo dalab laga soo diiday.

Mustaqbalka Leao ayaa la hadal haya xilli ciyaareedkii hore oo dhan, laakiin waxaa lagu dhawaaqay bishii June inuu qandaraas cusub u saxiixay San Siro, kaasoo uu heshiiskiisu ku eg yahay Juun 2028.

24-sano jirkaan ayaa mar kale ahaa ciyaaryahan muhiim u ah Milan xilli ciyaareedkan, isagoo dhaliyay seddex gool, waxaana uu diiwaan geliyay afar caawin 13 kulan oo uu saftay tartamada oo dhan.

Sida laga soo xigtay Fichajes, Man United ayaa u aqoonsatay weeraryahanka inuu yahay bartilmaameedka koowaad, kooxda ayaa qorsheyneysa inay u dhaqaaqdo inta lagu guda jiro suuqa kala iibsiga xagaaga soo aadan.

Warbixinta ayaa sheegeysa in Milan ay weli ka go’an tahay inay sii ceshato Leao, waxaana xaaladiisa qandaraaska ay kooxda Talyaaniga gelisay xaalad adag marka ay timaado mustaqbalkiisa.

Si kastaba ha ahaatee, kooxda ka dhisan Serie A ayaa ku adkaan doonta inay iska caabiso dalab weyn oo uga imaanaya koox kale oo weyn oo Yurub ah, Paris Saint-Germain ayaa sidoo kale la sheegay inay xiiseyneyso.

HBN SPORTS DESK

La Xiriira

Live Now

English News

Facebook Feed