Manchester United oo daafac tayo leh ka dooneysa horyaalka Talyaaniga kaddib dhaawacy soo wajahay kooxda xilli ciyaareedkaan

Manchester United ayaa lagu soo waramayaa inay sahmineyso suurtogalnimada ay kula soo saxiixan karto daafaca Girona Miguel Gutierrez inta lagu guda jiro suuqa kala iibsiga xagaagan sababo la xiriira dhaawaca Luke Shaw.

Shaw, oo 28 jir ah, ayaa lagu xaddiday 15 kulan tartamada oo dhan xilli ciyaareedkan sababo la xiriira dhaawac muruqa ah, waxaana jirta cabsi laga qabo in dhibaatadii ugu dambeysay ay ku celiso inta ka dhiman ololahan.

Daafaca bidix ee Man United Tyrell Malacia ayaan hal kulan ciyaarin xilli ciyaareedkan, dhanka kale, isagoo ku dhibtoonaya inuu ka soo kabsado laba qaliin oo jilibka ah oo kala duwan.

Victor Lindelof iyo Sofyan Amrabat ayaa labadaba loo isticmaalay garabka bidix dhawaanahaan sababo la xiriira arrimaha kooxda ee garoonka, sida laga soo xigtay Mundo Deportivo, kooxdu waxay qorsheyneysaa inay xagaagan keento daafac cusub oo garabka bidix ah,  xilli ciyaareedka soo socda.

Warbixinta ayaa sheegeysa in Gutierrez uu xiiseynayo kooxda Erik ten Hag, maadaama 22-sano jirkaan uu wacdaro ka dhigay Girona xilli ciyaareedkan, isagoo dhaliyay hal gool, caawiyena ka ahaa lix gool 30 kulan oo uu saftay tartamada oo dhan.

Warbixin dhawaan soo baxday ayaa lagu sheegay in Los Blancos ay haysato fursad ay dib ugula soo saxiixato Gutierrez kaliya 8 milyan oo euro (£6.8m) inta lagu guda jiro suuqa kala iibsiga xagaaga soo socda, tababare Carlo Ancelotti ayaa ka hadlay xaalada bishii hore.

HBN SPORTS DESK

La Xiriira

Live Now

English News

Facebook Feed