Manchester United oo bannaanka keentay qiimaha lacageed ee ay ku iibin karaan Mason Greenwood

Manchester United ayaa lagu soo waramayaa inay diyaarisay qiimo dhan 43 milyan ginni si ay u hesho Mason Greenwood, iyadoo weeraryahanka si weyn loo filayo inuu si joogto ah uga tago Old Trafford inta lagu guda jiro suuqa kala iibsiga xagaagan.
Greenwood ayaa dhaliyay 35 gool waxaana loo diwaan galiyay 12 caawin 129 kulan oo uu u saftay Man United tartamada oo dhan,laakin ma uusan u ciyaarin kooxda tan iyo January 2022 waxana uu haatan amaah ugu jooga Spain kooxda Getafe.

In ka yar laba sano ka hor, ka dib eedeymaha haweeney, weeraryahanka ayaa la xiray tuhun ku saabsan kufsi iyo weerar, ka dibna waxaa la sii xiray tuhun galmo iyo hanjabaad dil.

Wax soo saarka akadeemiyada Red Devils ayaa sidoo kale wajahaysay eedeymo la xiriira isku day kufsi, ku lug lahaanshaha hab-dhaqanka qasabka ah, iyo weerarka oo uu geystay waxyeelo jireed oo dhab ah, laakiin kiiskii isaga ayaa la joojiyay bishii Febraayo ee la soo dhaafay.

Man United ayaa la rumaysan yahay in ay go’aansatay in Greenwood ay dib ugu soo celiso kooxdeeda xagaagii hore ka hor inta ayna badalin go’aankooda sababo la xiriira falcelinta xoogan ee dadweynaha.

Sida laga soo xigtay Marca, Man United ayaa dul dhigtay Greenwood qiimo dhan 43 milyan ginni, iyadoo kooxdu ay qorsheyneyso inay iska iibiso inta lagu guda jiro suuqa soo socda.

HBN SPORTS DESK

La Xiriira

Live Now

English News

Facebook Feed