Manchester United iyo Liverpool ayaa labadooduba lagu soo waramayaa inay isha ku hayaan inay u dhaqaaqaan daafaca Bayer Leverkusen Jeremie Frimpong inta lagu guda jiro suuqa kala iibsiga xagaagan.
23-sano jirkaan ayaa qaab ciyaareed wanaagsan ku soo bandhigay Leverkusen intii lagu jiray xilli ciyaareedkii 2023-24, isagoo ka qeyb qaatay 12 gool iyo 11 caawin 35 kulan oo uu saftay tartamada oo dhan.
Frimpong ayaa dhaliyay 8 gool wuxuuna caawiyay 8 gool 25 kulan oo uu ciyaaray horyaalka Bundesliga xilli ciyaareedkan, iyadoo kooxda Xabi Alonso ay haatan ku jirto hogaanka horyaalka iyagoo 13 dhibcood ka sareeya Bayern Munich oo kaalinta labaad ku jirta.
Dhanka kale, waxa uu leeyahay afar gool iyo seddex caawin 10 kulan oo uu saftay German Cup iyo Europa League 2023-24, iyadoo kooxdu ay sidoo kale raadineyso guulo labadaas tartan.
Frimpong ayaa heshiis kordhin u saxiixay Leverkusen bishii Oktoobar ee la soo dhaafay, iyadoo qandaraaskiisa haatan uu soconayo illaa Juun 2028, laakiin waxaa la sheegay inuu jiro qodob lagu burburin karo heshiiska.
HBN SPORTS DESK