Manchester City oo lacago waali ah dul dhigeysa xiddiga AC Milan Rafael Leao

Manchester City ayaa lagu soo waramayaa inay diyaar la tahay €150m oo u dhiganta (£130m) si ay u hesho weeraryahanka AC Milan Rafael Leao.
24-sano jirkaan ayaa isku dhigay xiddig ka tirsan Rossoneri, waxaana uu sare u qaaday  ciyaartiisa  xilli ciyaareedyadii u dambeeyay.

Tan iyo markii uu Milan kaga soo biiray Lille xagaagii 2019, Leao waxa uu kooxda u saftay 179 kulan tartamada oo dhan, waxa uu u dhaliyay 47 gool, waxana uu diiwaan gashaday 40 caawin.

Ciyaaryahanka heerka caalami ee dalka Portugal ayaa qaab ciyaareed wanaagsan soo bandhigay iyadoo Milan ay ku guuleysatay horyaalka Seria A 2021-22, isagoo dhaliyay 11 gool iyo 10 caawin 34 kulan oo horyaalka ah, waxaana markaas loo magacaabay ciyaaryahanka sanadka ee horyaalka.

Leao ayaa markaas ka qayb qaatay 16 gool iyo 15 caawin 48 kulan oo tartamada oo dhan ah xilli ciyaareedkii hore iyada oo Milan ku dhameysatay kaalinta afaraad ee Seria A sidoo kale gaartay semi-finalka Champions League.

Si kastaba ha ahaatee, warbixin dhawaan soo baxday ayaa sheegeysa in Man United ay weli xiiseyneyso Leao ayna ka go’an tahay inay soo xerogeliyaan xiddiga reer Portugal xagaaga soo aadan, laakiin waxaa laga yaabaa inay tartan adag kala kulmaan saxiixiisa.

Sida laga soo xigtay Fichajes, kooxda ay xifaaltamaan ee Man City ayaa ka mid ah dhowr kooxood oo xiiseynaya Leao, waxaana ay diyaar u yihiin inay dalab weyn ka gudbiyaan €150m (£130m), waana qiimaha ugu yar ee ay Milan rabto.

HBN SPORTS DESK

La Xiriira

Live Now

English News

Facebook Feed