Manchester City iyo Real Madrid oo heegan ugu jiro da’yarka kooxda Bayern Munich xilli la ogaaday qorshaha labadaas kooxood

Weeraryahanka Bayern Munich Jamal Musiala ayaa lagu soo waramayaa inuu diyaar u yahay inuu ka fikiro mustaqbalka inuu u dhaqaaqo Manchester City ama Real Madrid.
Tababarihii hore ee Chelsea ayaa iska dhigay mid ka mid ah ciyaartoyda ugu fiican kubbada cagta Yurub waqtigii uu la joogay kooxdii kowaad ee Allianz Arena.

Wadar ahaan 33 gool iyo 26 caawin ayaa ka yimid 135 kulan oo uu saftay tartamada oo dhan, da’yarka ayaa sidoo kale mudadaas ku guuleystay afar horyaal oo Bundesliga ah.

Si kastaba ha ahaatee, taasi waxay ahaan doontaa mawduuca laga wada hadlayo ilaa iyo inta uu qandaraaskiisu dhacayo dhamaadka xilli ciyaareedka 2025-26.

Bayern waxay ka fikireyso inay kordhiso qandaraaskiisa dhowr sano ah si ay u ilaaliso mustaqbalkiisa, Sida laga soo xigtay Sky Deutschland, Musiala ayaa xiisenaya  inuu ka tago kooxda Jarmalka mustaqbalka dhow.

Intaa waxaa dheer, , waxaa la sheegay in uusan wax xiriir ah la yeelan wadahadalo heshiisyo cusub oo lala galo Bayern. Si kastaba ha ahaatee, wariye Florian Plettenburg ayaa tilmaamay in kooxaha sida Real iyo Man City ay u diyaar garoobi doonaan inay Musiala u soo bandhigaan shuruudo ka faa’iido badan oo uu ka heli karo Bayern.

Man City iyo Real ayaa la sheegay inay isha ku hayaan wax walba oo soo kordha haddii Musiala uu gaaro 2025 isagoo aan qalinka ku duugin heshiis kordhin.

HBN NEWS DESK

La Xiriira

Live Now

English News

Facebook Feed