Man United oo baaq weyn ka soo saartay mustaqbalka Marcus Rashford ee Old Trafford

Manchester United ayaa lagu soo waramayaa inay dooneyso inay hoos u dhigto qiimaha ay ku dooneyso Marcus Rashford, iyadoo weeraryahanka laga yaabo inuu ka tago Old Trafford suuqa kala iibsiga ee xaggaaga.

Rashford ayaa laga yaabaa in uu la kulmo agaasimaha cusub ee kooxda Man United Dan Ashworth todobaadka soo socda si uu ugala hadlo mustaqbalkiisa xilli ay jiraan warar sheegaya in Paris Saint-Germain ay isku diyaarinayso dalab xagaaga ah.

Isagoo boos ka waayay xulka England ee Euro 2024, 26 jirkaan ayaa lagu wadaa inuu ku laabto xerada tababarka Man United ee Carrington Isniinta bilowga xilli ciyaareedka cusub.

Si kastaba ha ahaatee, waxaa jira hubanti la’aan badan oo ku hareeraysan mustaqbalkiisa, iyadoo weeraryahanka uu ku dhibtoonayo qaab ciyaareedkiisa intii lagu jiray ololaha 2023-24, isagoo maamulay kaliya sideed gool iyo shan caawin 43 kulan oo uu saftay.

PSG ayaa la rumeysan yahay inay ka fiirsaneyso inay u dhaqaaqdo saxiixa xiddiga reer England xagaagan, iyadoo kooxda caasimadda ay wajaheyso shaqo adag oo ay ku bedeli karto Kylian Mbappe, kaasoo beeca xorta ah ugu biiray Real Madrid.

HBN SPORTS DESK

La Xiriira

Live Now

English News

Facebook Feed